Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul Mar Kale Lagu Eedeeyey Arrimo Musuq Maasuq.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Xasan Dirir oo uu dhowaan shaqada ka hakiyey Wasiirka Wasaaradaasi Maxamed Muuse Diiriye kadib markii lagu eedeeyey inuu si khalad ah U, Copy gareeyey Shaanbadii Wasiirka ayaa haatan Markale ilo Xog ogaali ahi ay tibaaxayaan in lagu hayo lunsi hantiyeed kuwaas oo ay kamid yihiin (Dhaamam)iyo Mashaariic kale oo isugu jira Laptopyo, iyo 18 Bacood oo ah kuwa baliyadda la dhigo oo ay bixisay hay,ada WHH ee jarmalka

Sidookale Agaasime Dirir ayaa la sheegay inuu isagu si gaar ah uu U,Qoondaystay Qaar kamid ah mashaariicda Kor Ku xusan oo weli Socda

Waxaanay Xoguhu intaasi ku Darayaan in Agaasimuhu uu si khaas ah uqoondaystay inuu U,leex Sado Laba Bali biyood (Dhaam) kuwaas oo uu, uqorsheeyey inay uwaraabiyaan Beer weyn oo uu isagu iibsadey intii uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas labadan (Dhaam Biyood ) ayaa lasheegay inay Maal gelinaysey  Haayad Turki ah islamarkaas na uu Qorshuhu ahaa, inay ka faa iidaystaan Dadka ku dhaqan Deegaanada Hoosyimaada Gobolka Hawd iyo Degmada Salaxley

Xeer ilaalinta Guud iyo Haayaddaha kale ee ay khusayso Amuurtaasi ayaa lasheegay inay ku daba jiraan Eedaymaha kor ku Xusan ee lala Xidhiidhinaayo Masuulkan.

Abdiqani Baylood

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this