Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Xeerkii Furista Ururada Siyaasada Oo Dib Ugu Celiyey Golaha Wakiillada.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa Golaha wakiillada ee cusub dib ugu celiyey ‘xeerka nidaamka ururada iyo axaabta siyaasada (XEER No. 14/2011)’ oo dhowaan uun uu Golaha guurtidu u gudbiyey.

Ilo xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey in madaxweynuhu uu shirguddoonka Golaha wakiilada mudane u gudbiyey qoraal rasmi ah oo uu ku wargelinayo soo celinta xeerkaas. In kasta oo aanan ogaan waxa uu madaxweynuhu ku sababeeyey.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Golaha lagu wargeliyo soo celinta xeerkaas,  gaar ahaan ansixinta xeer-hoosaadka wakiillada kaddib.

Xeerkan ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la diiwaangelin doono lix bilood ka hor waqtiga dhicitaanka liisanka xisbiyada, taas oo abuurtay doodo la xidhiidha sida ay xisbiyadu ku geli doonaan doorashada soo socota ee madaxtooyada maadaama oo diiwaangelinta ururradu ka soo horreyso.

Dad badan oo xitaa masuuliyiin xisbiga Kulmiye ka tirsani ku jiraanna waxa ay u fasireen in madaxweynaha muddada loo kordhinayo.

Kamaal Majraan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this