Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Yihiin 12-ka Qoddob Ee Kamidka Ahaa Ballan-qaadyadii Madaxweyne Biixi Ee Aan Weli Hirgelin??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi, ayaan weli hirgelin qoddobo baddan oo bud dhig u ahaa Barmaamji Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE uu doorashadii Madaxtooyadda ku galay,kaas oo u muuqda inuu ku fashilmay hirgelin tooda.

Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE ayaan weli hirgelin oo aan ka dhabbaynballan-qaad-yaddii ay u sameeyeen Saxaafadda dalka,kuwaas oo ka koobnaa 12 qoddob oo ku jiray Barmaamij Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE uu ku galay doorashadii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017-kii.

Geesta kalene waxa ayaan darro ah in Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo afar sanno ku dhawaad xilka haysay,isla markaana uu wakhtigii la doortay hal sanno ka hadhay in aanay weli laba iyo tobbankaa qodddob hal qoddob oo kamid ahi ka hirgelin,waxaanay taasi muujinaysaa in Xisbiga KULMIYE uu awrkiisa ku kacsanayey,isla markaana uu olollihii doorashada uun ku galay.

1. Xisbiga KULMIYE wuxuu dhawri doonnaa madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland si waafqasan Dastuurka iyo xeerarka saxaafadda dalka.

2. Waxa uu hirgelin doonnaa dugsi ama kulliyada saxaafadda lagu barto,iyadoo Jaamacaddaha lagu dhiirigelin doonno fursita kulliyaddaha saxaafadda.

3. waxa uu dhammays tiri doonnaan xeerka saxaafadda .

4. Waxa uu suurtagelin doonnaa in la abuuro guddi heer Qaran ah oo anshaxa saxaafadda ka shaqaysa.

5. .waxa uu suxufiyiinta siin doonnaan xorriyad buuxda oo ay shaqadoodu suxufinimo ku qabsan karraan.

6. Waxa uu hubin doonnaa Xisbiga KULMIYE in suxufiyiinta la soo eedeeyaa ay caddaalad buuxda heli doonnaan.

7. Waxa uu fududayn doonnaa sidii ay bulshada caalamku ay saxaafadda wax ula qaban layd.

8. Waxa uu suxufiyiinta iyo ururadda saxaafadda uu keelin ka siin doonnaa sidii ay u heli lahayeen fursadaha tababarka debada

9. Waxa uu kor u qaadi doonnaa awooda wax qabad ee ururadda saxaafadda

10. Waxa uu si gaar ah KULMIYE uu u dhiirigelin doonnaa Gabdhaha suxufiyiinta ah

11. Waxa uu Xisbiga KULMIYE fudayn doonnaan qaadashada liisamadda war-baahinta.

12. Waxa uu meel marin doonnaa nidaam suxufiyiintu ay ku heli karraan aqoon si suxufinimo si aanay saxaafaddu u noqon mihnad u furan cid wal-ba.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaan 12 qoddob midkoodna hirgelin ilaa hadda,balse war-baahinta dalka ayaa weli dhawraysay in Madaxweyne Biixi uu ka dhabbayn doonno ballan-qaadkii uu u sameeyey Saxaafadda Somaliland,isla markaana uu hirgelin doonno badhkood haddii uu wakhtigu u saamaxo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this