Deeq A. Posted August 24, 2021 Gobolka iska caabiyay Midowgoo Soofiyeeti iyo Taalibaanba Gobolka Panjshir gacanta uma uusan gelin Taliban iyadoo magaalooyinka iyo gobollada kale ee Afghanistan, oo ay ka mid tahay caasimadda Kabul, ay kooxdu qabsatay, gobolkase weli waxaa ku xooggan kooxo ka soo horjeeda Taliban. Gobolkan, waxaa looga adkaaday ciidamadii Ruushka ee xilligii Soofiyeetku ay qabsadeen dalkaas sanadihii 1980-meeyadii, iyo sidoo kale dagaal yahannada Taliban ee talada Afghanistan la wareegay sanadihii 1990-meeyadii. Panjshir waa mid ka mid ah meelaha ugu dambeeya ee ay ku xooggan yihiin kooxaha iska caabbinta wada kaddib markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas. Balse gobolkan wuxuu leeyahay taariikh u gaar ah iyadoo dadka reer Afghanistan ay muddo boqollaal sano ah ku faanayeen, sidaas darteed waa maxay taariikhdaas? sidee ayuu muddo dheer uga guuleystay kooxaha doonayay inay qabsadaan? Dooxada Shanta Libaax Deegaankan ayaa 130 kiilo mitir dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda, Kabul, wuuxuna u dhow yahay xadka Afghanistan iyo Pakistan. Wuxuu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu yahay 3,610 kiilo mitir oo isku wareeg ah, waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay 173,000 oo qof, oo badankood ka soo jeeda Tajiks, isla markaana waa halka uu ka soo jeedo ninka lagu magacaabo Ahmed Masoud. Gobolka waxaalagu magacaabaa “Panjshir”, taas oo luuqadda Beershiya la micno ah shanta libaax. Waxaa loogu magac daray Dooxada Panjshir sababtoo ah waxaa ku hareereysan buuro. Magacaan, sida laga soo xigtay dad reer Afghanistan ah, waxaa laga soo minguuriyay sheeko dhacday qarnigii tobnaad, makaas oo shan walaalo ah ay u suurto gashay inay biyo-xireen ku sameeyaan biyo ku qulqulayay dooxada xilligii dowladdii Sultan Mahmud of Ghazni, sidaas darteed shanta walaalaha ayaa loogu magac daray “Shanta Libaax”. Gobolkan oo qof walba oo booqday uu ku tilmaamo mid buuralley ah, leh webiyo iyo qurux dabiici ah, ayaa meel muhiim ah kaga jira taariikhda dadka Afghanistan. In Taliban ay awoodi weyso in saldhig weyn ay ka dhisato gobolka ayaa loo aaneyn karaa in inta badan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Pashtun, sidaas darteedna, aan Taliban laga rabin gobolka. Dooxada Panjshir waxaa ka taagan taallada taliyihii hore ee militariga Afghanistan, Shah Massoud, oo lagu naaneyso “Libaaxa Panjshir” (Alqaacida ayaa dishay sanadkii 2001) sababo la xiriira inuu iska caabbin sameeyay. Qarnigii 19-aad, Britain ma aysan qabsan gobolka xilligii ay isku dayeysay inay gacanta ku dhigto Afghanistan. Dadka gobolka ayaa ku faana sida ay isaga caabbiyeen Taliban, Soofiyeetka, iyo kuwa kale, gobolka ayaana ahaa mid ammaankiisu uu wanaagsan yahay. Ahmed Massoud iyo aabbihiis Ahmed Shah Massoud (midig) Soofiyeetka marka hore, kaddibna Taliban Dooxada weli waxaa ku yaalla marinno iska caabbin ah, godad ah, webiyo iyo buuro dhaadheer. Dooxada Panjshir, xilligii maamulkii Ahmad Shah Massoud, waxay ahayd mid uusan saameyn dagaalkii tobanka sano ee Ruushka. Intii u dhaxeysay 1996-2001, Shah Massoud ayaa hoggaaminayay iska caabbintii Taliban, oo awoodi waayay inay xukumaan gobolka inkastoo ay gacanta ku dhigeen dalkaas oo dhan. Intii muddadaas lagu jiray, Shah Massoud ayaa aasaasay Isbahaysiga Waqooyiga, oo xukumayay waqooyiga iyo bariga dalkaas. Maanta, wiilkiisa Ahmed Masoud, ayaa doonaya inuu isla sida aabbihiis sameeyo, balse xilligan wuxuu ka soo horjeedaa Taliban iyo isagoo aan sidii aabbihiis awood u lahayn. Isbahaysiga Waqooyiga ee uu aasaasay Shah Massoud waxaa ku bahoobay boqolkiiba 30 bulshada dalkaas. Awoodda isbahaysiga iyo sida ay muddada dheer isaga caabiyeen Taliban ayaa soo jiidatay Mareykanka, wuxuuna kooxda ku taageeray inay la wareegaan gacan ku heynta dalka iyo in xukunka laga tuuro Taliban kaddib weerarradii September 11, ee ay fuliyeen al-Qaacida ayna ku dhinteen ilaa 3,000 oo qof oo Ameerikaan ah. Ahmed Masoud (dhexda) Inkastoo ay muddo dheer iska caabbin sameyneysay, Dooxada Panjshir, oo dooneysa inay maanta sidaas oo kale sameyso, waxaa ku hareereysan xoogagga Taliban. Mareykanka iyo Ruushka – labada quwadda weyn leh – ayaa lagu wadaa inaysan mar dambe faragelin ku sameyn gobolka, marka laga reebo Iiraaniyiinta qeybta ka ah iska caabbinta. Tani micnaheedu waa in ilaha awoodeed ee haatan uu heysto Ahmed Masoud wa ka duwan yihiin kuwii aabbihiis uu heystay xilligii Soofiyeetka iyo Taalibaantii hore. Ahmed Masoud wayaa maqaal uu qoray ku yiri: “Waxaynu keydinnay rasaas iyo hub aan si dulqaad leh u soo ururinnay xilligii aabbahay, sababtoo ah waynu ogeyn in maalintan ay imaan doonto, balse haddii Taliban ay qaaddo weerar militari, xoogaggeenna militariga iyo qalabkeennaba ma noqon doonaan kuwo nagu filan, si fudud ayayna ku dhammaan doonaan ilaa ay saaxiibbadeen Galbeedka ay gacan na siiyaan maahee.” Ilaa iyo haatan, Taliban iskuma aysan dayin inay galaan Panjshir, balse dhan walba ayay ka hareereeyeen. Jiilka aan weligood arkin wax aan dagaal ahayn Xudduudaha haatan ee Afghanistan waxaa la sameeyay dabayaaqadii qarnigii 9-aad, xilligaas oo tartanka dhulka ee u dhaxeeyay Boqortooyadii Ingiriiska iyo Ruushka uu aad u sarreeyay. Afghanistan-ta haatan waxaa saameyn ku yeeshay fakradaha siyaasadeed iyo saameynta ganacsiga. Bartamihii qarnigii 20-aad, Afghanistan waxaa saameyn xun ku yeeshay dagaalkii sokeeye ee ka dhashay qabsashadii Soofiyeetka laga soo bilaabo 1979-89. Maamulkii Afghanistan ayaa garab istaagay kooxihii Islaamiyiinta ee kacdoonka waday (1989-1992), muddo gaaban kaddibna kooxaha Mujahideen, dhaqdhaqaaqa Taliban, oo markoodii hore ka koobnaa kooxo xagjiriin diimeed ah, oo ka soo horjeeday axsaabtii dalka xukumeysay. Taliban ayaa xilka sii heysay muddo shan sano ah, balse sababo la xiriira weerarradii al-Qaacida iyo hoggaamiyahoodii Osama bin Laden, ayaa waxay Mareykanka ku kalliftay inuu howlgal militari oo 20 sano qaatay uu ku ekeeyo Taliban iyo al-Qaacida , balse waxay ku soo idlaatay in Mareykanka uu ciidamdiisa kala baxo Afghanistan Taalibaanna ay mar kale la wareegaan awoodda dalkaas. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites