Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Haylaan oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16298180828870159.jpg?resize=720%

Gobolka Haylaan ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 4-3 uga adkaaday Nugaal.

Goolhayaha da’da yar ee Liibaan ayaa ahaa halyeeygii Haylaan ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii kowaad ee Puntland, isagoo riigoorooyin ka badbaadiyey ciyaartooyda Nugaal ee Ceelow iyo Kaarloos.

Haylaan ayaa martigeliyaha Nugaal oo difaacanayay tartanka ku hor garaacay kumanaan taageerayaashiisa ah oo sugnaa gegida lagu fidiyay cowska macmalka ah ee Mire Awaare.

Madaxweyanah ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab ayaa Haylaan guddoonsiiyay koobka gobolada Puntland, waana koobkii siddeedaad ee Puntland tan iyo 1998.

Ciyaaryahanka Injineerka oo weerarka uga ciyaarayay Nugaal ayaa ku guuleystay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka, halka Baxwal Jirde oo Sanaag u ciyaarayay uu ku guuleystay gooldhalinta tartanka.

Macallinka Haylaan Maxamed Cabdalle oo ahaa tababarihii ugu da’da weynaa tartanka ayaa isna ku guuleystay macallinkii ugu wanaagsan tartanka, halka goolhayihii ugu fiicnaa uu ku guuleystay goolhayaha da’da yar ee Haylaan, Liibaan.

Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degayaa deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Dhahar iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland.

FB_IMG_16298191811908534.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185922130753.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185512005565.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185675351983.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185618462539.jpg?resize=720% FB_IMG_16298184909896548.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185306662945.jpg?resize=720% FB_IMG_16298185198910160.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland: Haylaan oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this