Sign in to follow this  
Deeq A.

Raali galin laga bixinaayo hadalkii oday Faarax Caynaashe

Recommended Posts

Deeq A.   
1629804181845_0_IMG-20210824-WA0001-768x

 

Maqaal lagu raali gelinaayo cidkasta oo dhibsatay hadal kii dhawaan kasoo yeedhay Maxamed Farax Caynaashe.
Marka hore waxaan dadka u cadaynayaa in Somaliland kasoo gudubtay xiligii shaqsi odhan jiray anaa metela bulsho dhan iyo in cidi cid kasheegato deegaan Somaliland ka mid ah. Hargaisa waa caasimadii Somaliland, cid gaar ah ama qabiil sheegan karaana majiro. Somaliland waa dal kadhexeeya dhamaan dadka ilaahay ku unkay.

Waxanu aad uga xumaanay hadal kasoo yeehday Maxamed Farax Caynaashe oo aan ahayn hadal waafiya oo xigmad ama xushmo ku dheehan tahay. Abwaan Gaariye wuxuu yidhi “Hadaan guga kuu kordhaa gabow mooyee kuu tarin garaad iyo waayo arag ilayn wax ma dhaantid geed” Oday Maxamed Farax Caynaashe waxaan kula talinaynaa in uu raali gelin ka bixiyo hadal-kaa.
Reerka uu Maxamed Kasoo jeedaa lama wadaagaan ducfiga maxamed kasoo yeedhay ee aanu u meeldeyin. Kolay hadal shaqsi kasoo isaga ayuun buu ku kooban yahay.

Wabilaahi towfiiq

Yusuf  Cige Deria

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this