Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo mudda kooban la wareegtay degaanka Cammaara

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanka Cammaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo gaari lagu soo raray, ayaa sida wararku sheegayan waxa ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay mudda  kooban dib ula wareegtay saldhigyada degaanka Cammaara, haddana ay isaga baxday, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha.

Degaanka Cammaara ayaa kamid ah degaannadii dhowaan laga saaray Al-shabaab, islamarkaasna ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo mudda kooban la wareegtay degaanka Cammaara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this