Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 8-aad

Recommended Posts

Deeq A.   
One-2.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad.

Imtixaanka Shahaadiga ah, waxa sannadkan loo diyaariyay in ay u fariistaan 12,035 Arday oo kala ahaa 7049 wiil iyo 4986 gabdhood.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaanka ay ku gudbeen 11, 571 oo arday halka ay ku dhaceen 364 arday, islamarkaana aysan imtixaanka gelin 100 kamid ah ardaydii loo diyaariyay.

Waxa xusid mudan in Imtixaanka ay kaalinta kowaad gashay gabar lagu magacaabo Nawaal Mahad Siciid oo dhiganaysay dugsiga Daaru-raxma Boosaaso.

Shaacinta natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aadka, ayaa sannadkan dib u dhacay mudda bil ah kadib duruufo kala duwan oo wasaaraddu sheegtay in ay jireen.

Hoos ka fiiri natiijada 10-ka arday ee u sarraysa Imtixaanka

2-29.jpg?resize=1000%2C1302&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 8-aad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this