Sign in to follow this  
Deeq A.

“Coldoon Xaq Baa Loogu Leeyahay In La Dacweeyo Oo Maxkamad La Hor Geeyo…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

MA JIRO QOF SHARCIGA KA SAREEYAA

Dugsiga Abaarso Tech qofka runta doonayow waa kan Dr Mujaahid Cabdisalaan oo hadii cidi ay xogogaal u tahay aanay jirin cid uga xogogaalsani. Ninka ka xishoon waayay in ceeb iyo fadeexad uu og yahay in isagu uu abuuray kula kaco dugsiga ugu heerka sareeya Somaliland ee aan xumaan waxba ula hadhin ardayda wax ka barata iyo macalimiintooda xaq baa loogu leeyahay in la dacweeyo oo maxkamad la hor geeyo. Hadii uu cadaymo u hayo wixii uu ka sheegay Dugsiga iyo ardayda wax ku barata iyo macalimiintoodaba xaq buu u leeyahay in uu isku difaaco. Hadii kale waa in sharciga la mariyo ciqaabta uu mutaystana uu helaa.

Qofka ka soo hor jeeda Madaxwayne Muuse iyo xukuumadiisu golaloolooyinka maamul iyo siyaasadba xaq buu u leeyahay in uu ka hadlo iyo in uu ku cambaareeyo waayo xilalka ay hayaan ayuu ka mid yahay dadka ay u hayaan.Laakiin ta Coldoon maaha sidaa ee way ka duwan tahay wax loogu dulqaadan karana maaha xumaantiisu oo hadii aan wax laga qaban waxay gaadhi in qof waliba isagu sharciga gacanta ku qaato

Waxa Qoray Cali Gurey

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this