Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Cunoqabatayn ku soo rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo Cunoqabatayn ku soo rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea

filipo.jpg

Maraykanka ayaa sheegay in uu cunoqabatayn ku soo rogay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyey “gabood fallo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah” oo dhacay inta ay socotay colaadda ka oogan Tigray.

Wasaaradda maaliyadda ayaa ku eedaysay ciidamada hoos taga taliyaha guud ee ciidadama dalka Eritrea, Jeneraal Filipos Woldeyohannes, in ay faleen xasuuq, fadhataysi iyo kufsi.

Cunoqabataynaas wax aka mid ah in la xayiro dhamaan hantida u leeyahay Jen Woldeyohannes iyo sidoo kale in Maraykanka laga mamnuuco shirkadaha xidhiidhka ganacsi la leh.

Warbixin uu soo saaray agaasimaha xafiiska dabogalka hantida shisheeyaha ayaa Eritrea ugu baaqday in ay ciidamadeda kala baxdo Itoobiya waxaanay ku booriday dhinacyada colaadaas ku lugta leh in ay bilaabaan wadahadallo nabadeed.

Article share tools

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this