Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga qaran & beesha caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka, maadaama dowladdu ay raadineyso dhaqaalaha ka dhimman.

Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka ay ka wada-hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada midowga musharixiinta mucaaradka oo si weyn uga soo horjeestay habaaraca doorashada.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka 2021-ka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga & musharixiinta.

Si kastaba doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyada oo la guda-galayo mida golaha shacabka Soomaaliya.

240659242_863875380915767_78114666743515 240346117_863875297582442_85818650239730 240405620_863875410915764_74086150906829 240411793_863875514249087_41142394419638 240472179_2953170154921724_3683874605899 240472179_2953170071588399_2083630318322

 

The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga qaran & beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this