Sign in to follow this  
Deeq A.

Habyaacyadii doorashada oo abuuray xiisad cusub oo siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210823_172311726.jpg?resi

Midowga Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay habraactadii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta oo warbaahinta uu u akhriyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu faahfaahiyay mowqifkooda go’aanada shirkii Golaha Wadatashiga, iyaga oo sheegay in awoodii doorashada gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada.

Muuqaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dhanka kale madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay kadib go’aanka musharaxiinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada Dadban ee dalka laga yareeyo culeyska oo la fududeeyo, lana caddeeyo qorshaheeda.

Muuqaalka Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in 135 Oday dhaqameed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana shakiga laga bixiyo cida soo xuleysa ergooyinka.

PUNTLAND POST

The post Habyaacyadii doorashada oo abuuray xiisad cusub oo siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this