Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cape Town)-Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in koox budhcad ah ay ku dileen ganacsato Soomaali ah magaalada Cape Town.

Soomaalida kala ah Ibraahim Cumar Caddow Gaabow iyo Isaaq Shiinow Cali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xalay waddanka Koofur Afrika gaar ahaan deegaano ku yaalla magaalada Cape Town.

Wararka waxa ay sheegayaan in ganacsatadan Soomaali la dilay xilli ay ku sugnaayeen goobahooda ganacsi, mana jirto cid loo qabtay dilkooda.

Dilka ganacsatadan Soomaalida loogu geysanayo dalka Koofur Afrika ayaa sii kordhay bilihii la soo dhaafay kadib markii bannanbaxyo rabshado wata oo loogaga soo horjeedo xadhiga madaxweynihi hore ee Koofur Afrika ay ka dhaceen magaalooyin badan oo ka mid ah waddanka Koofur Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this