Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Gawracay Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida.

Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey sheegeen.

Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta iskaga baxsadeen.

Waxaa kadib goobta soo gaadhay kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay cisbital ka agdhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday.

Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka.

London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaalida ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka.

Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ugu yaraan lix qof oo dhammaantood loo adeegsaday mindi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this