Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadamada Sucuudiga & Imaaraadka Carabta oo diidan Doorashada lagaga dhawaaqay Dalka Qadar+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadamada Sucuudiga & Imaaraadka Carabta oo diidan Doorashada lagaga dhawaaqay Dalka Qadar+Sababta

 mbs-e1625714869941.jpg 

Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay qabanayso doorashada golaha sharci -dejinta ee ugu horreeyey abid taariikhda dalkaasi, waxaana haatan la furay diiwaangelinta musharraxiinta.

Doorashadani oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa haatan waxaa la shaaciyay goorta ay dhaceyso codeynta golaha shuurada ee dalkaasi ku yaal khaliijka.

Sida ku cad wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Amiirka haya xukunka dalkaasi, codeynta ayaa dhici doonto 2-da Oktoobar ee saandkan.

 

Go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha dalkaasi waxaa wali leh amiirka dalka, haseyeeshee golaha shuurada ama sharci-dejinta ayaa la filayaa in uu ansixiyo miisaaniyadda dawladda isla markaana uu yeesho awoodo kale oo dheeraad ah.

Xisbiyada siyaasadda ayaa weli mamnuuc ka ah dalka Qadar, waxaana durbaba ay dood ka dhalatay cidda xaqa u leh in ay codeyso.

Shakhsiyaadka doonaya in ay tartanka galaan ayaa waxa ay wajihi doonaan baadhitaan ay ku sameynayaan saraakiisha dalkaasi.Kuwa rajaynaya inay istaagaan waxay wajihi doonaan baadhitaan rasmi ah.

Dalka Kuwait ayaa ah boqortooyada kaliya ee ku taal Khaliijka oo ilaa iyo haatan awood buuxda siisa baarlamaan la soo doortay.Waddamada deriska la ah dalka Qadar ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo horjeedaan qorshaha doorashada Qadar.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ka baqayaan in doorashooyinka ka dhacaya Qadar ay horsed u noqdaan in muwaadiniinta dalalkooga ay dalbadaan dimuquraadiyad iyo in dalalkaasi ay doorasho ka dhacdo, arrintaa oo qoysaska xukunka haya aysan ku qanacsanayn.

Dadka reer Qadar ayaa soo dooran doono 30 xubnood oo ka mid noqonaya golaha 45 xildhibaan ka kooban halka Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu soo magacaabi doono 15 xubnood ee hadhay.

Marka laga soo tago ansixinta miisaaniyadda, awoodaha golahani waxaa ka mid noqon doono in ay la xisaabtamaan waaxda fulinta ee dowladda marka laga reebo arrimaha gaashaandhigga, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo siyaasadaha la xiriira maalgashiga.

Doodda ugu weyn waxay ka taagan tahay cidda leh xuquuqda codeynta kaddib markii xubno ka tirsan qabiil deggan dalkaasi Qadar ay caddaatay in aysan codkooda ka dhiiban karin doorashadaasi. Sababta ayaa lagu sheegay sharciga doorashooyinka uu xuquuqda codbixinta siinaya dadka dalkaasi ee halkaa ku noolaa wixii ka horreeyay sanadkii 1930-kii.

Sharcigaasi oo lagu meelmariyay aftidii dastuurka ee sanadkii 2003-dii ayay suurtagal tahay in dib u eegis uu ku sameeyo baarlamaanka cusub ee la dooran doono.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this