Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday nin lagu helay Argagixisanimo

Recommended Posts

Deeq A.   
Daacish.jpg?resize=802%2C609&ssl=1

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday, Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo ku eedaysan kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020.

sidoo kale, waxay ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda

Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.

Ugu dambayntii, Maxkamadda ayaa ku xukuntay 15 sanoo xabsi ciidan, isagoo fursad loo siiyay 30 cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday nin lagu helay Argagixisanimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this