Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha labaad ee Urur siyaasadeedka Runta iyo Cadaalada oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
11-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Shirweynaha labaad ee urur siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda ee Puntland (RUNCAD) ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay caasimadda Garoowe.

Shirka waxa ka qayb-galaya hoggaanka RUNCAD, ergooyin ka tirsan ururka oo isaga yimid dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo taageerayaashiisa kala duwan.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD Cismaan Maxamed Faarax (Gammuure) oo shirka Furay ayaa sheegay in Shirka loo qabtay ka tashiga arrimaha ururka Runta iyo Caddaaladda.

Sidoo kale, ajandaha labaad ee shirka ayuu ku sheegay soo dhowaynta xubno ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye oo ku soo biiray ururka Runta iyo Caddaaladda.

Halkaan ka eeg sawirada Shirka

  • 2-27.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 4-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 5-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 6-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 7-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 8-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 9-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 10-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 11-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 12-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 13-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 14-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirweynaha labaad ee Urur siyaasadeedka Runta iyo Cadaalada oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this