Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee loo doortaa waxabarashada heerka jaamacadeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

“TALLO IYO TUSAALEYN”

Sannad kasta waxaa dhameeya waxabarashada dugsiga sare arday tiro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo badankoodu (qiyaas ahaan 75%) ay wax ka bartaan jaamacado ku yaala dalka gudihiisa, halka qaar kale ay waxbarasho u aadaan dalka dibadiisa, gaar ahaan wadamada Suudaan, Itoobiya, Yugaandha, Masar, Hindiya, Turkiga, Bakistaan, Malaysiya iyo kuwo kale. Tiro kale oo ka mid ah ardaydaas  ayaan iyagu waxbarasho gelin, sababo la xiriira dhaqaale daro, shaqo helid, ama sababo kale.

Sannad dugsiyeedkii ugu dambeeyey ee 2020-2021, waxaa u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare arday tiradoodu dhan tahay 53,851 arday, kuwaasoo 67.11% ay u fariisteen imtixaan ay dejisay dawlada Federaalka ee Soomaaliya, kana koobna gobolka Banaadir, iyo dawlad-goboleedyada Galmudug, Koonfur-galbeed, Hirshabeele iyo Jubaland, halka 22.28% iyo 10.59% ay u fariistiin imtixaano ay dajiyeen maamulada Somaliland iyo Puntiland sida ay u kala horeeyaan.

Waa arrin marag ma doonta ah, in  ardayda tiradaas le’egi ay wax weyn ku soo kordhin karaan bulshada, dhaqaale, hal-abuur, horumar iyo dhaqan ahaanba. Waase marka ay helaan tilmaan wanaagsan oo ku hagta hilinka toosan ee ay ku hanan karaaan aqoon, xirfad iyo asluub gundhig u noqon karta inay bulsho bedeli karaan.

Haddaba, su’aalaha is-weydiinta muddani waxay yihiin, ardayda Soomaaliyeed ma heleen la-talintii ama talladii ay u baahnaayeen ee ay ku dooran lahaayeen waxbarashada heerka jaamacadeed ee ay si fudud u baran karaan, haddana u sahli karta inay shaqo-abuurtaan ama shaqo helaan marka ay dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed. Ma jiraan cilmibaarisyo xog sugan ku dhisan oo laga sameeye suuqa shaqada ee Soomaaliya ka jira iyo sida koorsooyinka laga dhigo jaamacada dalku uga jawaabaan baahi shaqo/shaaqle? Maxaa sababay shaqo la’aan haysta dad badan oo jaamacado ka soo qalin jabiyey?  iyo kuwo kale.

Sida la wada dareemi karo, dugsiyda sare ee dalku ma laha cid u qaabilsan la tallinta ardayda (career counselling), iyo weliba in la ogaado hiwaayada, himilada iyo hamiga ardayda, si ardayda loo siiyo talooyin mustaqbalkooda waxbarasho iyo shaqo ku haboon. Sidoo kale, jaamacadaha dalku ma siiyaan ardayda tallo bixin badan, marka laga reebo in ay u sheegaan ama u sharxaan ardayda koorsooyinka ay hayaan.  Dhinaca kale, waalidiin badan ayaan tallo ka geysan karin waxa ay caruurtoodu baranayaan.  Cilmi-baarista ku saabsan suuqa shaqada ee dalka laga sameeyey, waa kuwo ay sameeyeen hay’ado dalka ka fuliyey mashaariic, kuwaasoo diirada saara shaqo abuur ka dhashay mashruuc gaar ah oo ay hay’ad gaari ahi fulisay. Marka qaarkoodna, xogta ay bixiyaan ee shaqo abuurku waa kuwo u baahan in la sugo/hubiyo, maadaama danta laga leeyahay ay noqon karto in lagu qanciyo cidii bixisay mashruuca in la gaaray ujeeddooyinkii mashruuca, si mid kale loo helo. Doorashada waxbarashada jaamacadeed oo aan u dhicin siday ahayd ayaa ah mid ka mid ah sabaha keenay shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata shahaadada jaamacadeed.

Arrimahaas kor looga soo hadlay, waxaa ka dhashay dhibaatooyin faran badan oo gaaray dhalinta iyo cududa shaqo ee dalka. Sidaas darteed ayaan u doortay inaan qormadaan kooban qoro si aan u soo jiito dareenka dad badan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrintaan, kuwaas oo qori doona tallooyin iyo tusaalayn badan oo anfici doonta dhalinta kusoo biireysa tacliinta sare. Sidoo kale waa suuro gal in ay qoraalkaan ka faa’iideynsan doonaan ardayda dhamaysatay dugsiyada sare iyo waalidiintuba, si ay u doortaan waxbarasho ku haboon.

Haddii aan u soo noqono jawaanta su’aasha ahayd: “Sidee loo doorta waxbarashada jaamacadeed”? Si aan u wada fahano nuxurka qoraalkan, su’aasha waxa weeye, sidee ardaygu u dooran karaa koorsada uu jaamacada ku baranayo, maadaama ay jaamacaduhu bixiyaan koorsoonyin tiro badan oo mid kastaa leedahay shuruudo gaar u ah.

Waa arrin culays ku ah arday kasta, oo aysan si fudud ugu suura geli karin inuu doorto waxbarashada jaamacadeed, taasoo ku haboon xiisihiisa, awoodiisa aqooneed ama, dhaqaalaha qoyska iyo weliba sida ay waxbarashadaasi ardayga ugu suuro geli karto inuu ku shaqaysto mustaqbalka. Inta badan, isku dayashadu waa sida ugu badan ee ay ardaydu wax ku doortaan. Taasna waxaa sabab u ah saameynta saaxiibadu isku leeyihiin (peer influency). Xayeysiisyada iyo hardanka Jaamacadaha ayaa iyana maanta saamayn weyn ku leh doorashada ardayda.

Haddii aan soo kobo qodobada aasaaska u ah doorashada waxbarashada jaamacadeed waa:

Xiisaha: Maxaad xiiseynayaa inaad barato? Runtii qofku waxa uu xiiseeyo way sahlanaataa inuu wax ka barto. Xiisuhu waa waxa keena inuu qofku hawl ku dhaqaaqo. Inkasta oo ay Soomaalidu tiraahdo xiiso iyo xubo way dhacaan, haddana xiisuhu waxaa furaha waxbrashada.

Doonista: Maxaad doonaysaa inaad barato?  Mararka qaarkood waxaa dhacda, in ardaydu ay doonayaa inay bartaan wax aysan xiisayn. Tusaale ahaan arday ayaa necbaa barashada maadada xisaabta markii uu dugsiga sare dhiganayey, haddana doonaya inuu noqdo injineer.  Nin aan saaxiibo nahay oo ka yimi dalka dibadiisa, ayaa ila kulmay si aan tallo u siiyo wiil uu adeer u yahay oo dugsiga sare dhameeyey. Wiilkii ayaan weydiiyey  waxa uu doonayo inuu barto. Waxa uu iigu jawaabay: dhaqtar, ingineer iyo wax kale. Waxaan weydiiyey su’aal kale oo ahayd: wixii uu dusgiga sare ku bartay, maadaama ardayda Puntland ee dugsiyada sare loo kala saaro: Science streem (Kimistari, Fiisigis, Bayoloji) iyo Arts stream (Taariikh, Juquraafi, Dawlada iyo Siyaasada).  Wuxuu ii sheegay inuu ahaa arts. Haddaba, halkaas waxa laga garan in waxa ay doonayaan arday badani iyo waxaa ay baran karaan ay kala duwan yihiin. Sidoo kale inaysan ardaydu helin la-tallin ku aadan waxaa ay jaamacadaha ku baran karaan intii ay dhiganayeen dugsiga sare ama ka dibba. Waalidka ayaan iyana raadin cid kala tallisa waxaa ay caruurtoodu baran karaan.

Awooda Aqooneed: Maxaad awood u leedahay oo aad baran kartaa? Su’aashaan jawaabteedu, waxay u bahan tahay in laga eego labo dhinac. Mida hore, koorsooyinka waxbarashada jaamacadaha waxay u baahan yihiin aasaas adag. Tusaale, ardayga raba inuu barto caafimaadka, waa lagama maarmaan ah inuu aqoon buuxda u leeyahay aasaaska maadooyinka bayolojiga, kimisteriga iyo kuwo kale. Kuwaasoo fure u noqonaya barashada caafimaadka. Waxaan la kulmay arday iyo adeerkiis. Ardaygu waxa uu doonayaa inuu barto injineernimo. Waxaan weydiiyey dhibcaha/darajada uu keenay madada xisaabta. Wuxuu ii sheegay inuu ku dhacay. Tani waa arrin kale oo ku tusinaysa inay kala fog yihiin waxa ay ardaydu doonayaan inay bartaan iyo awoodooda aqooneed. “Waa kaaf iyo kala dheeri”

Dhinaca labaad, waa aqoonta ardaygu u leeyahay afka wax lagu baranayo. Inta badan ardayda Soomaaliyeed ee ka baxday dugsiyada sare  ee dalka waxay wax ku bartaan af-ka Carabiga ama Ingiriiska. Jaamacaha ardayda Soomaliyeed wax ka bartaan waxaa wax lagaga bartaa afafka carabiga ama Ingiriiska-dal ama dibadba.  Waa arrin aan la inkiri karin in ay ardaydu ku liitaan afafkaas wax lagu barayo. Haddana ardaydu ma doonayaan inay bartaan af-ka ay wax ku baranayaan, kaasoo sahli kara inay si quman wax u bartaan. Nin aan saaxiibo nahay oo aan la kulmay mar uu dalka yimi, ayaa ii sheegay, in gabar uu dhalay ay dalka ingiriiska ku dhamaysay dugsi sare, haddana ay goosatay inay hal sano wax barato inta aysan jaamacad bilaabin. Saxiibkey wuxuu ii sheegay inuu arrintaas ka biyo diiday, waxayse ahayd go’aan sax oo horseedi kara inuu qofku guul ka gaaro waxbarashadiisa. Haddaba, ma dhici kartaa in arday dalka wax ku bartay uu muddo sanad ah wax barto, gaar ahaan afka uu doonayo inuu wax ku baranayo si uu jaamac u galo? Ardaydu waa inay fahmaan guusha waxabrashadu waxa ay ku xiran tahay awooda aqoonta ardayga ee aan kor kaga soo hadalnay.

Shuruudaha:  Sida caadiga ah, waxbarasho kasta oo jaamacadeed waxa ay leedahay shuruudo, haddii lagugu xiro iyo haddii kaleba. Marka su’aashu waxa ay tahay waxa aad doonaysid ma buuxin kartaa shuruudaha laga rabo?

Dhaqaalaha: Qoyskaagu ma bixin karaa dhaqaalaha ku baxaya waxbarshadaada? Waa arrin muhiim ah oo loo bahan yahay in arday kasta tix geliyo dhaqaalaha qoyskiisa inta uusan dooran waxbarasho jaamcadeed. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa:” Dani waa seeto”. Haddaba ardaydu waa inay ogaataa, awooda dhaqaale ee qoyskoodu inay tahay waxa xadidaya waxbarashadooda. Inta badan ardaydu wax kuma dhisaan dhaqaalaha qoyskooda.

Waxaan la kulmay gabar dan yar ah, oo suuqley ah (suuqa khudaarta ku iibisa), oo wiilkeedii ugu weynaa caruurteeda oo agoon ahi uu dugsi sare dhameeyey. Ka dibna uu ku yiri dibada waxbarasho igu dir, isaga oo aan tix gelin heerka dhaqaale ee hooyadiis. Arrintaas markii ay ii sheegtay, ayaan la kulmey wiilkii. Waxaan weydiiyey meesha uu doonayo inuu wax ka barto, wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu Malaysiya wax ka barto. Waxa kale oo aan weydiiyey inta kharash uu hadda heli karo, wuxuu ii sheegay in ay walaashii u gadayso dahabkeeda oo dhan kun iyo shan boqol oo doolar, hooyadiina siinayso shan boqol oo doolar. Markaas ayaan wada xisaabinay kharashka ku baxaya safarkiisa iyo degista. Waxaa noo soo baxday in lacagta uu filayo aysan ku filnayn dhoofkiisa oo keliya. Markaas ayaan weydiiyey, haddii lacagtaasi ay soo gasho oo uu dhoofo, cida ka bixinaysa jaamacada, iyo noloshaiisa. Markii su’alahaas jawaab loo waayey, waxaan raadinay xal kale oo noqday inuu dalkiisa waxa ka barto oo hooyadii u turo.  Arrintaas wuu soo dhoweeyey. Hadda wiilkaas jaamacad ayuu dalka guddihiisa kaga baxay, reer buu leeyahay, guri buu dhistay, wuuna shaqaystaa.

Sheekadaan waxan u soo qaatay in ay ardaydu tixgeliso duruufta dhaqaale ee haysata waalidkood, weliba hooyooyinka oo isuku xilqaamay korinta iyo waxbarista ubadka (keenis iyo karin).

Shaqadaada: Inta aadan go’aansan waxa aad ku baranaysid jaamacada, is weydii fursadaha shaqo, ee aad ku gaari karto waxa aad baratay? Wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagu doorto waxbarashada heerka jaamacadeed waa sida aad ugu shaqaysan karto wixii aad baratay ama aad shaqo ugu heli karto. Inta badan ardaydu waxaa ay ugu jecel yihiin inay bartaan caafimaadka iyo injineerin-ka, laakiin kama fiirsaan dhinaca shaqada. 2006-dii ayaan la kulmay arday dibada waxbarasho u aaday oo soo noqday, ka dib markii uu waayey koorsadii uu doonayey inuu barto oo ahayd caafimaadka. Wareysi baan la yeeshay oo ku saabsan dhaqaalaha reerka, iyo cida ka bixinaysa waxbarashada,  maadaama kulliyada caafimaadku ay u baahan tahay lacag badan. Wada sheekaysi dheer ka dib, waxay talo noqotay inuu barto wax u sahlan ee dhaqaale ahaan uu ka bixi karo. Ardaygaasi waxuu gaaray heerka labaad ee waxbarashada jaamcadeed, wuuna ka shaqeeyey shaqo dadkii caafimaadka bartay in badan ka lacag badan.   Ujeeddadu ma aha in aan dhiiri gelinayn barashada caafimaadka, laakiin waa tabarta qofka iyo shaqo helida. Haddii wadanku uu lahaan lahaa saadaalinta cududa shaqo (human resource projection), waxaa la heli lahaa fursad ay ardaydu wax ku doortaan, maadaama odoroska cududa shaqo dalka la sii saadaaliyey.

Xaggee Wax ka Barataa?

Labo weji ayey yeelan kartaa jawaabta su’aasha sare. Tan hore, jaamacadee wax ka barataa? Marka ardaygu dooranayo jaamacada uu wax ka baranayo, waa inuu ogaadaa aqoonsiga jaamacada (Accreditation), adeega ay jaamacada bixiso (university service), magaca iyo sumcada jaamacada (reputation and rank), bixinta maadada aad baranyso iyo qiimaha. Wejiga labaad, waxa uu noqon karaa ma dalka ayaad wax ka barataa mise dibada.  Haddii aad doonayso inaad dibad wax ka barato, ugu horeyn tixgeli dhaqaalaha qoyskaaga, tan xigta helida dal-ku-galka (visa) iyo in waxaa aad rabo inaad barato dalka laga helin.

Gabagabo

Haddaba si looga faa’iideysto ardayda tirada badan ee sannad kasta sii kordhaysa, ee dhamaysay waxbarashada dugsiga sare, loona gaarsiiyo inay yeeshaan aqoon ku final oo ku haboon, waa in cid kasta oo arrintaas talo ka gaysan karta ay xil gaar ah iska saarto. Gaar ahaan dugsiyada sare waa inay ardayda kala talliyaan waxa ay heerka jaamacadeed ku baranayaan, maadaama ay jiraan caqabadihii aan kor ku soo sheegnay. Ardaydu waa inay la tashadaan cid kasta oo ay aqoon iyo khibrad bidayaan oo ay noqdaan talo raac, qaataana talada wanagsan ee lagula taliyey ee ku aadan mustaqbalka. Sidoo kale waalidiinta waa inay raadiyaan cid la talisa caruurtooda.

C/raxmaan Shiikhdoon Cali

Garoowe-Puntland, Soomaaliya

Abdirahman.sh.ali@gmail.com

The post Sidee loo doortaa waxabarashada heerka jaamacadeed? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this