Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali ah oo Xalay lagu dilay Queens-town+Budhcadii dishay oo la laayey,Yaase laayey+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsade Soomaali ah oo Xalay lagu dilay Queens-town+Budhcadii dishay oo la laayey,Yaase laayey+Sababta

 ganacsade.jpg

Allaha u naxariistee Ganacsade Isaaq Shiinow Cali ayaa caawa budhcad hubeysan waxay ku dileen dukaankiisa oo ku yaala duleedka magaalada Queenstown oo ka tirsan gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Budhcada ay dilka ganacsade Isaaq Shiinow u adeegsatay Toorey.

Saddex nin oo budhcad ah ayaa sida la xaqiijiyay dukaanka ugu galay marxuumka ka dibna hoosta ka xidhay xili marxuum ganacsade Isaaq Shiinow u dukaanka ka shaqeynaayay kaligiis.

Dadka deegaanka oo ka war helay in dukaanka ganacsade Isaaq ay ku dhax jiraan budhcad ayna dhacayaan ayaa la sheegay iney markiiba gudaha u galeen dukaanka iyagoo isla goobtaas ku dhax dilay sadexdii nin ee budhcada ahaa.

Marxuumka ayay wararku sheegayaan inuu muddo dheer halkaas ku ganacsanayey dadka degaankuna ay aad yaqiineen taasoo keentay iney u soo gurmadaan isla markaana dilaan raggii budhcada ah, iyadoo dhacdadan ay tahay mid ugub ku ah dalka koonfur Afrika.

Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku dhaqan dalka Koonfur afrika ayaa si joogto ah waxaa loogu geystaa dilal iyo boob ka dhan ah hantidooda oo ay kula kacaan budhcad u dhalatay dalkaas.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this