Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab deyrta oo ka curtay Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
Roob.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Roobabka deyrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari waxaana la filayaa in saacadaha soo socda roobab xooggan oo dabayla wataa ka da’aan xeebaha Gobolkaas.

Degmada Ufayn ee Gobolka Bari iyo nawaaxigeeda waxa xalay ka da’ay roob biya-dhig ah sida ay sheegeen dadka ku nool degaankaas.

Miyiga ku dhow degmada Ufayn ayaa la sheegaya in saaka xooluhu ka cabayaan kadib markii xalay roobku biya-geliyay xurfooyinka iyo dhulka biya-qabatinka leh.

PUNTLAND POST

The post Roobab deyrta oo ka curtay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this