Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin culus oo laga soo saaray Roobab dabayla wata oo ku soo wajahan Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
duufaan.jpg?resize=1000%2C616&ssl=1

Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee Puntland, ayaa digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata, oo sida saadaashu sheegtay saacadaha soo socda ku wajahan xeebaha Gobolkaas.

Qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in 48-saac ee soo socda roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin xeebaha Gobolka Bari, sida saadaashu sheegtay.

Maamulka ayaa dadweynaha ugu baaqay, in ay isaga baxaan dhulka godan iyo togagga ku dhow xeebaha, si looga baaqsado dhibaato dadka iyo duunyada ka soo gaarta roobabkaas dabaylaha wata.

Sidoo kale, saraakiisha Booliiska iyo guddoomiyaaasha degmooyinka Gobolka Bari, ayaa amar lagu siiyay in aysan mudda 48-saac ah wax gaadiida u fasixi karin gudaha badda, si looga taxaddaro khatarta dabaylaha.

PUNTLAND POST

The post Digniin culus oo laga soo saaray Roobab dabayla wata oo ku soo wajahan Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this