Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo xoog kula wareegay xarunta maamulka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210823-005341.jpg?resize=

Ciidamo hubaysan ayaa caawa xoog kula wareegay xaruntii maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Ciidamada oo waday gadiid dagaal oo aad u habaysan ayaa sheegay in ay diidan yihiin maamulka Hirshabeelle, ayna taageersan yihiin odayaasha dhaqanka iyo bulshada Beledweyne.

Ciidamada waxaa hoggaaminayay Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi, abaaldulihii hore ee qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan daraawiishta Hirshabeelle, kuwaas oo xarunta gobolka Hiiraan markii ay qabsadeen la hadlay warbaahinta.

Muuqaalka saraakiisha

Qabsashada xarunta maamulka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Beledweyne ayaa imanaysa, iyadoo berri oo Isniin ah lagu waday in uu Beledweyne yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo xoog kula wareegay xarunta maamulka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this