Deeq A. Posted August 22, 2021 Ciidamo hubaysan ayaa caawa xoog kula wareegay xaruntii maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne. Ciidamada oo waday gadiid dagaal oo aad u habaysan ayaa sheegay in ay diidan yihiin maamulka Hirshabeelle, ayna taageersan yihiin odayaasha dhaqanka iyo bulshada Beledweyne.Ciidamada waxaa hoggaaminayay Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi, abaaldulihii hore ee qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan daraawiishta Hirshabeelle, kuwaas oo xarunta gobolka Hiiraan markii ay qabsadeen la hadlay warbaahinta. Muuqaalka saraakiisha Qabsashada xarunta maamulka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Beledweyne ayaa imanaysa, iyadoo berri oo Isniin ah lagu waday in uu Beledweyne yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe. PUNTLAND POST The post Ciidamo xoog kula wareegay xarunta maamulka Hiiraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites