Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormuu dhici doonaa kulanka kama-dambaysta Tartanka Ciyaaraha Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16296573812347523.jpg?resize=720%Ciyaartoyda Haylaan oo kor u qaadaya tababarahooda

Xulka gobolka Haylaan ayaa tagay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 5-4 uga adkaaday xulka Mudug, ciyaar waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbardhac 1-1.

Waa markii ugu horreysay oo xulka gobolka Haylaan uu tago kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la qabtay siddeed jeer tan iyo 1998.

Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degay deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan waxaa si weyn loo dabaal-degay magaalada xarunta ah ee Dhahar.

  • FB_IMG_16296547242842506.jpg?resize=720%Dabaal-dega Dhahar

Xulka Haylaan ayaa kulanka kama-dambaysta (final-ka) wajihidoona xulka Nugaal oo markii saddexaad oo xiriir ah yimid kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

Kulanka kama-dambaysta ayaa dhici doona maalinta Talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 24 Agoosto 2021, sida ay shaacisay wasaaradda ciyaaraha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Goormuu dhici doonaa kulanka kama-dambaysta Tartanka Ciyaaraha Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this