Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin 7 habraac doorasho ee ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16296516112843020.jpg?resize=720%

Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay shir labo maalmood uga socday xarunta Afisyoone ee Muqdisho, waxayna ka soo saareen war-murtiyeed.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay Todoba (7) habraac doorasho, kuwaas oo kala ah:

Maamulka maaliyadda doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddiga maamulka maaliyadda doorashada oo ka kooban guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xulida ergooyinka doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in ergada doorashada ee ka kooban 101 ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaangashan dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.

Amniga doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xunnood oo kala ah:

1. Ra’iisul Wasaaraha
2. Taliyaha Booliska Soomaaliya
3. Taliyaha Booliska Puntland
4. Taliyaha Booliska Jubaland
5. Taliyaha Booliska Galmudug
6. Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed
7. Taliyaha Booliska Hirshabeelle
8. Taliyaha Booliska UNSOM
9. Taliyaha Booliska AMISOM
10. Xoghayaha amniga guddiga doorashada heer federaal.

Xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

Golaha Wadatashiga Qaran waxay saxiixeen in ay qaadayaan mas’uuliyada xaqiijinta qoondada haweenka. Waxaa la go’aamiyay in la asteeyo kuraas Aqalka Hoose oo haweenka kaliya ku tartamayaan.

Doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland

Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in liiska musharaxiinta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ay soo gudbiyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, uuna hubiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland ay doortaan 46 xubnood oo 23 ka imanayaan odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi, halka 23 kale ka imanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la waafajiyay habraacii doorashadii 2016.

Daahfurnaanta doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen in dhamaan inta shaqada ku leh doorashada ay saxiixaan hab-dhaqanka anshaxa doorashada.

Waxay kaloo ku heshiyeen in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ay shaaciyaan musharaxiinta kuraasta doorashada iyo xiliga doorashada, iyagoo 48 ka hor ogaysiinaya guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga khilaafaadka.

Codbixintu in ay noqoto qarsoodi, telefoonkana la mamnuuco iyo in gudbinta natiijada doorashada la ilaaliyo badqabkeeda ayaa sidoo kale kamid ah habraacyada daahfurnaanta doorashada ee la shaaciyay.

La-taliyayaasha farsamo

La-taliyayaasha farsamo waxaa la sheegay in ay xoghayn u yihiin Golaha Wadatashiga Qaran, ayna ka caawin doonaan arrimaha kala ah:

1. Diyaarinta farsamo ee kulamada madaxda Golaha Wadatashiga Qaran
2. Talasiinta arrimaha hirgelinta heshiisyada doorashada.
3. Fududeynta dhaqangalka qorshada amniga doorashada
4. Fududeynta iyo talo-siinta howlaha dib-u-heshiisiinta Gedo
5. Diyaarinta hannaan lagu ilaaliyo qoondada haweenka.
6. Tala-siinta Golaha Wadatashiga Qaran ee caqabadaha farsamo iyo dhaqaale ee la soo gudboonaada guddiga doorashada.
7. Isku dubaridka dadaalada Beesha Caalamka ee ku aadan u qareemida dhaqaalaha doorashada.
8. Xiriirka dhammaan guddiyada doorashada iyo Golaha Wadatashiga Qaran.

Muuqaalka hoose ka daawo habraacyada oo faahfaahsan.


PUNTLAND POST

The post Maxay yihiin 7 habraac doorasho ee ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this