Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidama Gadoodsan Oo La Wareegay Saldhig Ku Yaallo Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidama ka gadoodsan ay la wareegen Saldhig militeri oo ku yaallo magaalada.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan socdaal madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen la qorsheyay in uu beri ku tago magalaada Baladweyne.

Ciidamadan oo ay hor kacayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka guutada 5-aad ururka 27-aad.

Saraakiil lagu kala magacaabo Abdullahi Barre iyo Ibraahim Sheelare ayaa la sheegay in ay la wareegen xerada ciidamada ee Lama galaay.

Wixii Faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this