Sign in to follow this  
Deeq A.

Habraac doorasho oo laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.

1– Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
2– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
3– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
4– Habraaca Amniga Doorashada
5– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
6– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
7– Hawlaha la-taliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala ibaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Golaha-Wadatashiga-Qaran-1.png Golaha-Wadatashiga-Qaran-2.png Golaha-Wadatashiga-Qaran-3.png Golaha-Wadatashiga-Qaran-4.png Golaha-Wadatashiga-Qaran-5.png Golaha-Wadatashiga-Qaran-6.png

Hoos ka daawo

Hoos ka akhriso

The post Habraac doorasho oo laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this