Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar AMISOM ka tirsan oo loo xiray dhacdadii Golweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi heer wasiiro ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dadka rayidka ah, ayaa maanta shir la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhibbanayaashii dhacdadaas.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya.

FB_IMG_16296416854345660.jpg?resize=720%

Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa, islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas.

Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo.

PUNTLAND POST

The post Askar AMISOM ka tirsan oo loo xiray dhacdadii Golweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this