Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirguddoonka Golaha Wakiillada+Muqaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirguddoonka Golaha Wakiillada+Muqaal

Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda.
Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.
Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this