Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka caawinaysa Somaliland tayeynta waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya oo ka caawinaysa Somaliland tayeynta waxbarashada

kenya-1.jpg

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha, , ayaa kulan ay qaateen kaga wada hadley sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac.

Wasiir Toorno, ayaa tilmaamey in safarkiisa ujeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad iney tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hey’adaha deeqda waxbarasho siiya.

Toorno, ayaa dhanka kale carabka ku dhuftey iney doonayaan in xiriirka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin iney doonayaan iney balaariyaan.

Wasiir Toorno, ayaa intaa raaciyey iney si gaar ah u daneynayaan in laga kaalmo jaamacadaha Somaliland dhanka tayeynta waxbarashada, cilmi baarista iyo farsamada gacanta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this