Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Shirka Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Galaya Maalinta 2-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalinta 2-aad galaya shirka Afisyooni uga socda madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble.

Shirkan, oo ajendaha looga hadlayo ay ka mid yihiin: Dhameystirka aqalka sare, hab-raacyada iyo bilaabidda doorashada golaha shacabka, arrimaha miisaaniyadda doorashada iyo qaar kale.

Waxaa xusid mudan in aqalka sare ay kasoo dhamaadeen Koonfur galbeed iyo Puntland halka Jubbaland u hartay 4 mudane iyo Galmudug oo labo mudane ah, waxaase aan weli bilaabin Hirshabelle.

Waxaa kale oo uu khilaaf ka jiraa habraaca xulista ergada ee golaha shacabka, iyada oo habraaca ay soo saareen guddiga doorashada dadban ay laaleen maamul goboleedyada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this