Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cabdijamaal Cismaan oo laga sii daayay xabsiga Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdijamaal.jpg?resize=800%2C533&ssl=1

Siyaasiga Cabdijamaal Cismaan Maxamed, ayaa xalay laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa, halkaas oo maalmo ka hor lagu xiray.

Xukuumadda Somaliland kama hadlin sababta keentay xarriga, Cabdijamaal Cismaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, islamarkaana xilal heer wasiiro ah iyo xildhibaan ka soo noqday Puntland.

Qaar kamid ah siyaasiiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa cambaareeyay xarigga Cabdijamaal Cismaan, ka hor intaan xalay xabsiga laga sii dayn.

Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoorre oo si adag u cambaareeyay arrintaas, ayaa  sheegay in xarigga siyaasi Cabdijamaal ay ka dambaysay hay’adda Sirdoonka Puntland oo kaashanaysa Somaliland.

Waxa xusid mudan, in mas’uuliyiinta Puntland aysan marna ka hadlin xarigga Ex.xildhibaan Cabdijamaal Cismaan oo xilal sare ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Siyaasi Cabdijamaal Cismaan oo laga sii daayay xabsiga Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this