Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Afghanistan ee Mareykanka uu ka qaadayo Kabul oo la kulmay arrimo diintooda wax u dhimaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kabul (Caasimada Online) – Askarta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ayaa cunto uu ku jiro hilibka doofaarka u qeybinaya kumanaanka shacab ee reer Afghanistan ee ay halkaas ka daad-gureynayaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa isku dayaya inay Afghanistan ka saaraan ku dhowaad 60,000 oo qof oo Afghans ah, kuwaas oo isugu jira dad la shaqeyn jiray ciidamada Mareykanka iyo ehelladooda.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dadkan ayaa ka war helay in cunto doofaar lagu siinayo garoonka, taasi oo diintooda wax u dhimeysa, sida laga soo xigtay xubno ka mid ah.

Haweeney ka mid ah dadkan, oo ayada iyo ninkeeda iyo gabadheeda ay sugayaan in halkaas laga qaado, ayaa barta Instagram-ka soo dhigtay sawirrada cuno baakadeysan oo hilibka doofaar uu ku jiro.

“Waxay nagu quudinayaan doofaar, oo aaney diinteena ogoleyn. 95% dadka halkan ku sugan ma aqrin karaa English,” ayey haweeneydan ku tiri qoraal ay soo raacisay sawirka ay soo dhigtay Instagram. 

“Cunada nama siiyaan ee meel fog fog ayey ayada oo baakadyesan kasoo tuurayaan,” ayey tiri. 

Diinta Islaamka ayaa si adag u mamnuuceysa in Muslimiinta ay cunaan hilib doofaar. 

Haweeneydan ayaa sidoo kale ka hadashay xaaladda liidata ee ay kumanaanka qof ee reer Afghanistan ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay sugayaan in laga daad-gureeyo. 

Waxay sheegtay inay dul seexanayaan dhagxaan iyo qashin, xilli qabow darran uu jiro, xilli ciidamada Mareykanka ay qoryo ku qabayaan. 

“Ma haysano wax hub ah, waxaan isku dayeynaa kaliya inaan halkan ka baxno,” ayey tiri.

Kumanaan qof oo shacab Afghanistan ah ayaa garoonka diyaaradaha u cararay kadib markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, ayaga oo ka cabsi qaba in kooxdaas ay beegsato.

The post Shacabka Afghanistan ee Mareykanka uu ka qaadayo Kabul oo la kulmay arrimo diintooda wax u dhimaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this