Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo u baxday Final-ka

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20210821_162932.jpg?resize=639%2C365&sslNaani (bidix) iyo Injineerka (midig)



Xulka Nugaal ayaa u baxay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta kulankii afar dhamaadka 4-2 ugu awood sheegtay xulka Cayn.

Xulka Nugaal waxaa goolasha saddex ka mid ah u dhaliyay weeraryahankooda Injineerka, halka Naani dhaliyay gool cajiib ahayd oo u gooyay difaacyada iyo gool-hayaha Cayn.

Dhanka Xulka Cayn waxaa labada gool u dhaliyay ciyaaryahanka Khaalid Leo oo ka mid ah ciyaaryahana ugu gool-dhalinta badan tartanka.

Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo xulka Nugaal tiigsado kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, 2012 iyo 2014 ayuu ku guuleystay tartankan.

Xulka Nugaal ayaa final-ka ku sugaya midkood xulalka Mudug iyo Haylaan oo berri ciyaari doona.

PUNTLAND POST

The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo u baxday Final-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this