Deeq A. Posted August 21, 2021 Naani (bidix) iyo Injineerka (midig) Xulka Nugaal ayaa u baxay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta kulankii afar dhamaadka 4-2 ugu awood sheegtay xulka Cayn. Xulka Nugaal waxaa goolasha saddex ka mid ah u dhaliyay weeraryahankooda Injineerka, halka Naani dhaliyay gool cajiib ahayd oo u gooyay difaacyada iyo gool-hayaha Cayn. Dhanka Xulka Cayn waxaa labada gool u dhaliyay ciyaaryahanka Khaalid Leo oo ka mid ah ciyaaryahana ugu gool-dhalinta badan tartanka.Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo xulka Nugaal tiigsado kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, 2012 iyo 2014 ayuu ku guuleystay tartankan. Xulka Nugaal ayaa final-ka ku sugaya midkood xulalka Mudug iyo Haylaan oo berri ciyaari doona. PUNTLAND POST The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo u baxday Final-ka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites