Sign in to follow this  
Deeq A.

Haddii ay Gacanta igu dhigaan way i khaarijin doonaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddii ay gacanta igu dhigaan way i khaarijin doonaan

A man cries as he watches fellow Afghans get wounded by Taliban fighters outside Kabul Airport
Kumanaan qof ayaa ku sugan dibedda garoonka diyaraadaha kaabul

Qabsashada degdegga ah ee Daalibaan ee Afgaanistaan ayaa keentay in dadka qaar ay u baqaan naftooda oo ay raadiyaan inay dalka ka baxsadaan.

Kooxda Islaamiyiinta ah ayaa la sheegay inay guri guri u baadhayaan halka muuqaalo rabshado wata laga soo sheegayo qaar ka mid ah isbaarooyinka ay maamusho Taliban.

Maleeshiyaddan ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalooyin waaweyn todobaadkii hore taas oo qayb ka ah guluf ba’an oo ka ay naxeen goobjoogayaashii caalamiga ahaa. Kaas oo ku danbeeyey qabsashadoodii caasimadda Kabul, horseeddayna burburkii dawladda Afgaanistaan.

Hadda, kuwa u soo shaqeeyay dowladda ama quwadaha kale ee shisheeye, iyo sidoo kale suxufiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka, ayaa sheegaya inay ka baqayaan aargudasho waxayna u baahan yihiin in la daadgureeyo. Waxay la hadleen BBC, laakiin magacyadooda waa la beddelay si loo ilaaliyo ammaankooda.

Usman, oo turjumaan u ahaa ciidammada qalabka sida ee Ingiriiska, ayaa la degganaa u ahaa xaaskiisa iyo qaar ka mid ah deriskiisa markii Taaliban timid. Waxaa la toosay aroortii hore ee subaxdii waxaana loo sheegay in kooxdu ay ka dhowdahay in ay baadhaan halkii ay degganayeen.

“Waxay baadhayeen guri kasta,” ayuu u sheegay barnaamijka BBC ee World at One. “Qof walba wuu argagaxay – markaa warku wuxuu ku faafay guri kasta.”

“Qof deris la ah ayaa sheegay inay baadi goobayaan hub, dokumentiyo iyo gaadiid dowladeed. Waxay isku dayayeen inay ogaadaan cid u shaqeysay NATO ama dowladda.”

“Waxaan gashaday dharkaygii oo waxaan ku booday darbi oo waan cararay,” ayuu yiri Usman. “Waan ogahay in la i dili doono. Ma jirto waddo kale.”

Usman ayaa loo sheegay inuu xaq u leeyahay u guurista UK bisha December, laakiin kadib markii la diyaariyay dhammaan warqadihiisii wuxuu helay warqad diidmo ah Jimcihii. “Ma dareemeyno nabadgelyo,” ayuu yiri. “Runtii aad ayaan u quus -joogaa.”

Taliban patrol as nation celebrate the 102nd Independence Day in Kandahar, Afghanistan
Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi

Hashem, oo ah turjumaan, ayaa hoy ka dhigtay guri ku yaal mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka markii uu la hadlayey BBC -da.

“Waxaan la shaqeynayay xoogag dhexdhexaadin ah waxaana u malaynayay in dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ay i caawin doonaan,” ayuu yidhi.

“Waa inaan baabbiiyaa dhammaan dukumiintiyadaydii.”

“Waxaan lahaa geesinimo aan ku tago garoonka diyaaradaha ee Kabul, qof ka tirsan Daalibaan ayaa ii sheegay inay jireen warar been abuur ah oo faafinayay in Mareykanku dadka bannaanka u soo saarayo.”

“Wuxuu ii sheegay inaan u sheego dadka kale inaysan aadin garoonka diyaaradaha. Waxaan ka wada hadleynaa qorshayaasha ku saabsan waxa aan sameyn karno si aan ugu qaxno dal kale.”

Civilians prepare to board a plane during an evacuation at Hamid Karzai International Airport, Kabul

Ma aha oo kaliya kuwa u shaqeeya dawladaha caalamka ee cabsanaya. Laba haween ah oo u shaqaynayay warbaahin ayaa dhuumanaya waxayna sheegeen in Taalibaan ay baadi goobayaan.

Si kastaba ha ahaatee, fiise la’aan, waxay yidhaahdeen u safrida gegida dayuuradaha ayaa ah mid aan waxba tarayn.

“Labo jeer ayay gurigeyga soo waceen … aniga iyo ninkeyga ayay raadinayaan,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka, Aida. “Waxay weyddiinayaan xubnaha kale ee qoyskeyga halka aan joogno sidoo kale waxay ii soo diri jireen qoraalo hanjabaad ah.”

“Waxay dhaheen markii ay i helaan way i dili doonaan.”

“Runtii waxaan dareemayaa quus iyo walaac ku saabsan waxa igu dhici doona aniga iyo qoyskeyga,” ayay tidhi.

“Taalibaanku waxay isku dayayaan inay helaan [shaqaalaha] dawladda, saxafiyiinta, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka. Runtii waan ka walaacsanahay – ka warran haddii ay gurigeenna yimaadaan? Ka warran haddii ay garaacaan albaabkayaga?”

“Garoonka diyaardaha inaan aaadno suurtogal ma ahan sababtoo ah ma haysanno [fiise]” ayay tidhi. “Ma aanan helin lacag ama wax taageero ah, markaa macquul ma ahan.”

Dhanka kale, tobannaan macallimiin luuqadda Ingiriiska oo u shaqeynayay golaha Ingiriiska oo tababarayay macallimiinta dugsiyada Afgaanistaan ayaa aad u doonaya inay baxaan laakiin waxaa loo diiday dal kugalkii ay ku tagi lahaayeen UK.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this