Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta madaxweynihii Afqaanistaan uu ugu qaxay Imaaraatka Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta madaxweynihii Afqaanistaan uu ugu qaxay Imaaraatka Carabta?

Ghani
Madaxweyne Ashraf Ghani

Imaaraatka Carabta ayaa magangalyo bani’aadannimo siiyay Madaxweyne Ashraf Ghani, oo ka baxsaday Afghanistan.

Taariikhdu marka ahayd 15 August, markaas oo dagaal yahannada Taliban ay qabsadeen caasimadda Kabul, Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa si degdeg ah uga qaxay dalkaas.

Xilligaas lama ogeyn halka uu aaday iyadoo dad badan ay u maleynayeen inuu u qaxay Uzbekistan ama Tajikistan. Kaddib Ashraf Ghani qudhiisa ayaa caddeeyay inuu ku sugan yahay Imaaraatka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in Ghani ay siisay magangalyo bani’aadannimo, halka Ghani uu soo duubay muuqaal uu ku sheegayo inuusan dalka ka qixin balse uu ka baxsaday musiibo weyn.

“Waxaan hadda joogaa Imaaraatka si loo joojiyo dhiigga daadanaya iyo qaska,” Ghani ayaa sidaas yiri. Ghani ayaa sidoo kale sheegay inuu ku jiro wadahadallo ku saabsan sidii uu dib ugu laaban lahaa Afghanistan.

Siyaasadaha Afghanistan

Afghanistan

Ma aha markii ugu horreysay ee Imaaraatka uu magangalyo siiyo hoggaamiye ka soo jeeda dunida Islaamka. Sanadihii 90-meeyadii, Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale magangalyo u doontay Imaaraatka.

Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa sidoo kale ku laabtay Imaaraatka kaddib markii xukunka laga tuuray. Balse weli dadku waxay is weydiinayaan su’aasha ah sababta uu Ghani u doortay Imaaraatka Carabta iyo sababta uu Imaaraatku u siiyay magangalyada.

Si kastaba, markan Imaaraatku kama doonayo Ashraf Ghani in dhulkiisa uu u adeegsado saaxad siyaasadeed.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Frank Gardner ayaa sheegay inay jiraan tiro badan oo dad ah oo u dhashay Afghanistan iyo Pakistan oo ku sugan Imaaraatka Carabta, sidaas darteed Imaaraatku ma doonayo in dhulkiisa uu noqdo saaxadda siyaasadda Afghanistan.

Isla mar ahaantaas, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya inaysan la yaab ku ahayn imaanshaha Ghani ee Imaaraatka.

Kabir Tanreja, oo ka tirsan Observer Research Foundation, ayaa yiri, “Xiriirka Imaaraatka uu la leeyahay Taliban iyo Afghanistan waa mid xiiso leh. Ashraf Ghani waxaa magangalyo siiyay Imaaraatka. Tallaabada Imaaraatku ma aha mid aan la fileyn.”

Waa maxay xiriirka Imaaraatka kala dhaxeeya Taliban?

Afghanistan

Sanadkii 1996, markii Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan ayna dhistay dowlad, keliya Pakistan, Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa aqoonsaday dowladdaas. Wixii intaas ka dambeeyay wax badan ayaa iska beddelay xiriirka dalalkan.

Tanreja ayaa yiri, “Kaddib weerarradii 9/11 ee ka dhacay Mareykanka, waxaa jiray cadaadis saarnaa dalalka Carabta oo lagu doonayay inay hagaajiyaan sumcaddooda. Inta badan dadkii ku lugta lahaa weerarka waxay ka soo jeedeen dalalka Gacanka. Isbeddello xiriir ah ayaa ka bilowday dalalka Carabta markaasna Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa bilaabay inay iska fogeeyaan Taliban. Dalalkan ayaa si cad isaga fogeeyay Taliban.”

Markii ciidamada uu horkacayo Mareykanka ee NATO ay weerareen Afghanistan sanadkii 2001 ayna cagta mariyeen Taliban, Imaaraatka ayaa sidoo kale taageeray weerarkan. Saraakiil ka soo jeedda Imaaraatka ayaa sidoo kale ku sugnaa Afghanistan, inkastoo aysan badneyn.

Ciidamo yar oo Imaaraatka ka socda ayaa howlgallo nabadgelyo iyo banii’aadannimo loo geeyay Afghanistan oo sidoo kale ciidamadaas u aragta kuwo saaxiibbo Muslimiin ah.

Qaaciddada Sunninimada Wahaabiga ah ayaa aad uga jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka. Dalalkan ayaa sidoo kale howlo horumarin ah ka sameeyay Afghanistan iyagoo adeegsanaya magaca samafal una maraya madaaris iyo masaajiddo. Feker ahaan, waxaa jiray isu dhowaansho ka dhaxaysay Imaaraatka iyo Taliban.

Balse Imaaraatka, oo aqoonsan Taliban, ayaa sanadkii 2001 aad isaga fogeysay ururka, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay, kaddibna xiriir la sameysatay dowladihii Hamid Karzai iyo Ashraf Ghani.

Sanadkii 2017, koox diblomaasiyiin ah oo ka soo jeeda Imaaraatka ayaa lagu weeraray Kandahar. Dad badan, oo ay diblomaasiyiin ku jiraan ayaa naftooda ku waayay weerarkaas. Wixii intaas ka dambeeyay, Imaaraatka ayaa toos u jartay Taliban.

Waa maxay doorka ay Pakistan ka qaadan karto xiriirka Taliban iyo Imaaraatka?

Afghanistan
Dagaal yahannada Taliban iyo ciidamada Pakistan oo ilaalinaya xadka laga tallaabo ee Torkham

Isla mar ahaantaas, Pakistan ayaa door muhiim ah ka qaadan karta xiriirka Taliban iyo Imaaraatka. Turkiga, Qadar, iyo Pakistan ayaa haysta Afghanistan, Imaaraatka iyo Sacuudigana waxay u arki karaan in saameyntoodu aysan is dhimin.

Waxaa jirtay xiisad u dhaxeysa Pakistan iyo Imaaraatka taas oo la xiriirta arrimo dhaqaale. Imaaraatka wuxuu xoogga saaray ka soo kabashada deymihii la siiyay Pakistan.

Sida uu qabo Tanreja, xiriirka Pakistan iyo Imaaraatka ayaa sidoo kale saameyn kara xiriirka uu dalkaasi la leeyahay Taliban.

Pakistan ma dooneyso inuu xumaado xiriirka Imaaraatka iyo Taliban. Pakistan waxaa muhiim u ah xiriirka ay la leedahay Dunida Carabta, haddii xiriirkaas uu xumaadana waxaa meesha ka faa’iideysanaya Shiinaha oo saameyn ku yeelanaya Pakistan.

Muddo intee ah ayuu Ghani joogi doonaa Imaaraatka?

Afghanistan
Ghani ayaa sheegay inuu keliya sitay dhar iyo kabo

Si kastaba, wlei ma cadda muddada uu Ghani joogi doono Imaaraatka. Waxaa laga yaabaa inuu muddo kaddib Mareykanka aado, balse falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in xilligan uusan Mareykanku albaabbada u furi doonin.

Tanreja ayaa yiri, “Imaaraatku wuxuu hore magangalyo u siiyay dad ka soo jeeda Dunida Islaamka wuxuuna u fidiyay gogol lagu wada hadlo. Xaaladahaas oo kale marka la eego, tegitaanka Ghani ee Imaaraatka ma aha mid la yaab leh.”

Balse in lagu noolaado Imaaraatka iyana ma fududa. Nolosha halkaas waa qaali. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ghani uu la soo qaxay lacag aad u badan, balse Ghani wuu beeniyay arrintaas.

Ghani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Afghanistan uu ka soo tagay isagoo xiran dhar iyo kabo isla markaana uusan waxba heysan.

Maxay tahay ujeeddada uu Ghani u aaday Imaaraatka?

Afghanistan

 

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in mid ka mid ah sababaha loo tagayo Imaaraatka ay tahay in dalkaasi uu bixiyo damaanad qaad amni iyo xogtaada oo kuu qarsoonaata. Waxaa jira fursado badan iyo meelo aad lacagtaada ku maalgashan karto.

Imaaraatka ammaankiisu aad ayuu u fiican yahay. Waxaa sidoo kale ka jirta dowlad adag oo boqortooyo ah. Sidaas darteed, dadka halkaas taga waxay dareemaan ammaan.

Taasina waa sababta ay siyaasiyiin badan oo dunida daafaheeda ka socda ay u tagaan Imaaraatka si magangalyo loo siiyo. Ra’iisul Wasaareyaashii Thailand Thaksin Shinawatra iyo Yingluck Shinawatra, oo afgembi militari xukunka looga tuuray ayaa tagay Imaaraatka.

Marka taas laga soo tago, Boqorkii hore ee Spain Hwan Carlos, hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Mohamed Dahlan iyo Ahmed Ali Abdullah Saleh, oo ah wiilka ugu weyn madaxweynihii geeriyooday ee Yemen Ali Abdullah Saleh, ayaa sidoo kale magangalyo u jooga Imaaraatka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this