Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Malyuun oo Dollar oo maanta lagu arkay Caasimada Afganistan-Kaabul

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiye Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Malyuun oo Dollar oo maanta lagu arkay Caasimada Afganistan-Kaabul

Waa mid ka mid ah ragga ay Mareykanka sida wayn u baadigoobayeen muddo dheer

Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baadi -goobayaan Mareykanka iyo QM ayaa ka soo dhex muuqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, ka hor wada -hadallada lagu dhisayo dowlad cusub.

Khalil Haqqani, oo qayb ka ah shabakada Xaqaani ee mayalka adag, ayaa lagu sawiray isaga oo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​jimcihii, isga oo ay hareerihiisa taagnaayeen rag hubaysan oo ku labisan dareeska milatariga.

Sawirrada ayaa muujinayay Haqqani oo masaajid ku jira oo khudbad u jeedinaya dad misaajidka ku sugnaa.

Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

Haqqani wuxuu ka mid yahay ragga sida weyn uu u baadi -goobayo Mareykanka, waxaana madaxiisa la dul dhigay $ 5 milyan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this