Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya ayaa gashaanka u daruurtay eedeyn kaga timid Mareykanka oo aheyd in markale ay ishortaagtay gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ay colaaddu ku saameysay gobolka Tigray.

Hay’adda horumarinta Mareykanka ayaa Dowladda Itoobiya ku eedeysay inay sabab u tahay gargaar la’aanta ka jirta gobolka Tigray.

Waxay ka digtay in cunnada gargaarka  ay ka go’i doonto gobolkaasi dhammaadka Todobaadka soo socda.

Boqolaal kun oo qof ayaa halis ugu jira macaluul, xilli uu dagaal qaraar dhex marayo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Balse dowladda Itoobiya ayaa beenisay in si ulakac ah loo hor istaagay gargaarka bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka ku tabaaleysan gobolkaasi.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this