Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka golaha wada-tashiga qaran oo ka furmay Afisyoone

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goob-joog ah shanta hoggaamiye goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkani diiradda lagu saari doonaa dardar-gelina doorashooyinka dalka 2021-ka, iyada oo gaba-gabadana laga soo saari doono war-murtiyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo isugu ah mas’uulka ugu sarreeyo doorashada iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qeyb-galaya shirka ayaa si gaar ah uga wada-hadalayo diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi arrimo ku aadan doorashooyinka Aqalka Sare ee billowday iyo casharka laga baran karo, maadaama ay dhaliilo xoogan ka yimaadeen.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

240422916_2950992618472811_6748515118950 233431889_3052974571600323_1948692813653 233531340_3052974504933663_4857089329923 239969471_3052976654933448_8292361619031240383815_2950992531806153_5199263178431

The post Sawirro: Shirka golaha wada-tashiga qaran oo ka furmay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this