Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ajendayaasha Shirka Afisyooni Maanta Ka Furmayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saacadaha soo socda ee Maanta lagu wada in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada Dalka.

Madaxda dowlad gobaleedyada dalka, Maamulka gobalka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shirka uga hadlayo sidii horay loogu sii wadi lahaa doorashooyinka dalka ka socda.

Shirka oo ka dhacayo xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni ayaa looga hadli doona Ajendayaal dhowr ah.

Ajendayaasha shirka maanta ayaa waxaa ka mid ah :

1: Dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Sare.

2: Raadinta qarashaadka doorashooyinka.

3: Diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka

4: Diyaarinta Habraacyada doorashada.

Si kastaba shirkan ayaa diiradda lagu saari doona dhameystirka dhamaan doorashooyinka Golayaasha Dowladda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this