Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MAALINTA MUSQULAHA ADUUNKA

Recommended Posts

Xaflad si heer sare leh loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta bullaacadaha (Musqulaha) adduunka ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana xafladan soo agaasimay Ururka Bullaacadaha Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (SOTO) ka soo qeyb mas’uuliyiin iyo marti sharaf fara badan, iyadoo halkaasi ay khudbado ku aadan xuska maalinta Bullaacadaha ay halkaasi ka soo jeediyeen Guddoomiyaha Ururka Bullaacadaha Soomaaliyeed Md. C/qaadir Cali Maxamed, xubno ka tirsan ururka, mas’uuliyiin ka socotay Ganacsatada Muqdisho iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Guddoomiyaha Ururka Bullaacadaha (Musqulaha) Soomaaliyeed Md. C/qaadir Cali Maxamed ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay tahay xus loo sameeyo bullaacadaha ama Musqulaha, isagoo sheegay in maalinta 19-November oo ku began munaasabada bullaacadaha adduunka uu hambalyo u dirayo ururka bullaacadaha adduunka iyo dhammaan dalalka ka qeyb qaadanaya xuska maalinta.

 

“In Shacabka Soomaaliyeed aanu fahamsiino maalinta bullaacadaha adduunka oo la qabto sanadkiiba hal goor ayay ahayd ujeedada ugu weyn ee aan munaasabadan u sameynay, isla markaana aan beesha kala jaan qaadno munaasabadaha noocaan oo kale ee ka dhacaya adduunka dacaladiisa” ayuu yiri Guddoomiye C/qaadir Cali oo dhinaca kale si weyn ugu dheeraaday xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nadaafadda oo uu tilmaamay in halka ay seexanayaan meel aan sidaasi uga fogeyn ay godad ka qoteen qaxootiga ku jira xerooyinka magaalada Muqdisho.

 

“Waxaa wax laga naxo ah xaaladda caafimaad xumo ee ay ku saran yihiin kummanaanka qaxooti ee ku sugan Muqdisho, waxaana Hay’adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa gudahaba ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan xaaladda nadaafad darro ee soo wajahday qoysaska dadka soo barakacay” ayuu yiri Guddoomiyaha ururka Bullaacadaha Soomaaliyeed Md. C/qaadir Cali Maxamed oo dhinaca kale baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in xarumaha ururkiisa ee ka furan gobolada dalka iyadoo xaruntiisa dhexena ay Muqdisho ku taalo uu sheegay inay kala shaqeeyaan sidii loogu gurman lahaa waxyeelada dhinaca bullaacadaha uga imaaneysa dadka.

 

Guddoomiyuhu waxa uu dhaliilay doorka ay beesha caalamka kaga jirto ka hortagga waxyeelada bullaacadaha, isagoo ugu baaqay inay qeyb ahaan gargaarkooda u soo wajahaan sidii loo xadidi lahaa khatarta ka soo fool leh musqulaha oo uu sheegay in dayactir la’aan iyo goobaha qaarkood oo aan lahayn musqul oo dhanba ay sababi karto inay ka dhashaan cudurrada faafa.

 

Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo ka mid ahaa waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay sida ay isku xilqaameen xubnaha ururka bullaacadaha Soomaaliyeed (SOTO) inay la tacaalaan daryeelka iyo wax ka qabashada musqulaha uga imaan kara shacabka, maadaama aanay jirin awood dhexe oo qaabilsan dhinaca nadaafadda.

 

“Waa howl runtii u baahan in wax laga qabto, garab ayaana idinku siineynaa” ayuu yiri Nabadoonka oo ka codsaday shacabka in ururka SOTO lagu garab istaago gudashada waajibkaadkiisa, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan ganacsatada iyo Golaha shuurada Deg.Kaaraan, iyagoo hambalyo u diray dhammaan bulsha weynta caalamka xuska maalinta bullaacadaha adduunka awgeed, waxayna sheegeen ururka SOTO oo ku casuumay ka soo qeybgalka munaasabada inay uga mahad celinayaan, taasoo ay ballanqaadeen inay ku garab geli doonaan horumarinta iyo wax ka qabashada ururkani ugu jiro bullaacadaha ay u leeyihiin shacabka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

you know,it's not as bad as I though,it's regarding sanitation and maintaing good clean place to comfort in yourself,nothing wrong with that in my opinion,but Xaflad for that,bit over the top I think.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this