Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DENI oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo shirka doorashooyinka oo furmayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho ee caasimada dalka, si uu uga qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka.

Saciid Deni ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoona ay horey caasimada ugu sugnaayeen madaxa kale ee maamulada.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Arrimaha sida gaarka ah shirkan loogu lafo-guri doono waxaa ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana Afisyoone oo uu shirka ka dhacayo ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

240421539_1232907080456143_6869863757897 239976197_1232904723789712_8120239912557 240212340_1232904270456424_7272288158374 240411793_1232904403789744_7321865471535

The post Sawirro: DENI oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo shirka doorashooyinka oo furmayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this