Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1629485657897.jpg?resize=512%2C41

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in dalka laga joojiyay duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliy ayaa lagu yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynaybaaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo dalka lagaga joojiyay shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia”.

Dowladda Soomaaliya waxay ka digtay wararka been abuurka ah ee bulshada lagu majara habaabiyo.

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan” ayaa qoraalka la raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this