Sign in to follow this  
Deeq A.

Mawqifkay Xildhibaan Ilhaan Cumar ka qaadatay Afganistaan & Qabsashada Taliban

Recommended Posts

Deeq A.   

Mawqifkay Xildhibaan Ilhaan Cumar ka qaadatay Afganistaan & Qabsashada Taliban

 

 ilhan-1.jpg

Daad-gureyn ballaaran ayaa ka socota Afghanistan ka dib markii horraantii toddobaadkan ay xoogagga Taliban la wareegeen talada dalkaas. Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha militariga dalkaas ee ku sugan Kabul ay la hadlayaan taliyeyaasha Taliban si ay dadka u dhashay Afghanistan iyo Ameerikaankuba ugu fududeeyaan inay galaan garoonka.

Xildhibaannada Mareykanka ayaa ka falcelinaya doorka dalkaas ka dib 20 sano oo uu Mareykanka faragelin ku hayay Afghanistan.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka. Qoraal ay Isniintii soo saartay ayay ku tiri “shakhsiyan waa xanuun,” iyadoo ula jeedda taariikhdeedii iyada iyo qoyskeeda sida ay uga soo qaxeen Soomaaliya.

“Musiibadu ma aysan billaaban labadii toddobaad ee ugu dambeeyay,” ayay qoraalkeeda ku tiri: “Runtu ku saabsan dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Mareykanka waa kaas 20 sano ah, waxaanu qaadnay ballamo aynaan oofin karin.”

Ilhaan mar wax laga weydiiyay falcelinteeda ku aaddan inay aragto boqollaal u dhashay Afghanistan oo isku ciriirinaya diyaaradda Mareykanka oo sii kaceysa iyo qaskii ka dhacay garoonka, ayaa waxay sheegtay inay tahay wax aad looga naxo.

“Eeg waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad tahay ilmo ku dhex jira qoys la hardamaya inay badbaado ku helaan dal uu dagaalku ragaadiyay.”

“Runtii tiiraanyo ayay nagu tahay inaan daawanno waxa aynu arkeyno, iyo aniga ahaanna, inaan ahay qof awood leh oo haatan isku dayeysa inay saameyn ku yeelato siyaasadda. Waxaan ahay qof gebi ahaanba u heysata in madaxweynuhu uu soo afjaro dagaalkii ugu muddada dheeraa Mareykanka. Balse dhammaadka dagaalkan kama dhignaan karto dhammaadka taageeradeenna dadka Afghanistan.

 

Mar wax laga weydiiyay in maamulka Joe Biden uu ku fekeray inay tan soo socoto, markii uu go’aansanayay in ciidamada laga saaro Afghanistan ayaa waxay Ilhaan sheegtay inay rumeysan tahay in weli ay heystaan waqti badan oo looga soo horjeesto guuldarrooyinka badan ee siyaasadda Afghanistan ee muddada dheer iyo afar madaxweyne.

Waxay sheegtay in waxa ay haatan diiradda saarayaan ayna maamulka kala hadlayaan ay tahay sidii qof walba oo Afghanistan u dhashay qeybna ka ahaa howlgalka Mareykanka looga soo qaadi lahaa dalkaas loona badbaadin lahaa.

Ilhaan ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu amray $500 milyan oo doollar oo lagu caawiyo Afghanistan, taasna ay bilow tahay.

“Waxaynu sidoo kale la hadleynay hay’adaha dib u dejinta oo diyaar la ah caawinaad. Awood way leeyihiin. Waaxaha dowladda waxay u baahan yihiin inay la shaqeeyaan.” Ayay tiri Ilhaan.

Afghanistan

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa qirtay in guusha degdegga ah ee ay Taalibaan gaartay ay “aad u dhibsan doonaan” dad badan oo Mareykan ah oo xiriir la leh Afghanistan.

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambeysay tallaabadii uu Mareykanka ku galay Afghanistan ay “waligeedba ahayd sidii looga hortagi lahaa weerarrada argagixisada ee ku wajahnaa dalka Mareykanka,” iyo “in aan marna loogu talo galin in ay qeyb ka noqoto howl la xiriirta sameynta dimuraaddiyad mideysan oo ka hirgasha dalkaas”.

Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this