Sign in to follow this  
Deeq A.

UNICEF:Isbaddalka cimilada ayaa saameyn ku yeeshay carruurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhallinyarada ku nool Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu halista badan saamaynta isbeddelka cimilada oo halis ku ah caafimaadka, waxbarashada, iyo deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay ogaatay in 2.2 bilyan oo carruur ah ,ku dhawaad ​​1 bilyan oo adduunka ah ay ku nool yihiin 33 wadan oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa aadka u halista badan,Soomaaliya ayaana ka mid ah dalalkaas, iyagoo ku jira darajada 4 -aad.

Warbixinta ayaa sheegeysa in carruurta Soomaaliyeed ay saameeyeen wasaqowga biyaha iyo fatahaadda webiyada, sidaa daraadeed,maalgashiga adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka carruurta iyo nafaqada iyo sidoo kale biyaha, nadiifka ah iyo fayadhowrka ayaa wax weyn ka beddeli kara awoodda aan u leenahay inaan ilaalino mustaqbalka caruurta.

Dhibaatada cimiladu waa dhibaatada xuquuqda ilmaha,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF Somalia Maxamed Ayoya. Wuxuuna intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda.

PUNTLAND POST

The post UNICEF:Isbaddalka cimilada ayaa saameyn ku yeeshay carruurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this