Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Dhoorre oo sirdoonka Puntland ku eedeeyay Xarigga Cabdijamaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoorre, ayaa si adag uga hadlay xarigga xalay magaalada Hargeysa loogu gaystay, Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland.

Cabdiraxmaan Dhoorre, ayaa af-duub iyo sharci-darro ku tilmaamay xabsiga Somaliland gelisay wasiir hore Cabdijamaal Cismaan, oo kamid ahaa 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland.

Siyaasi Dhoorre, ayaa hay’adda Sirdoonka Puntland ku eedeeyay, in ay ka dambaysay xarigga Hargeysa loogu gaystay Ex. Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan, islamarkaana arrintaas la kaashatay Somaliland.

Af duubka lagula kacay Xildhibaan Cabdi Jamaal Waa sharci daro iyo xadgudub loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo safar ku jira waxaana ka danbeeya sirdoonka Puntland oo kaashayanaya ka Somaliland” ayuu yiri Dhoorre.

Sidoo kale, wuxu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddiisa loogu celiyo siyaasiga, isago ku hanjabay in cawaaqib-xumo laga dhaxli doono, haddii xabsiga lagu sii hayo.

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Dhoorre oo sirdoonka Puntland ku eedeeyay Xarigga Cabdijamaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this