Deeq A. Posted August 20, 2021 Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in kantaroolka Boosaaso lacago lagaga qaado dadka ka imaanay magaalooyinka kale. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas la xiriira in kantaroolka Boosaaso lacag lagaga qaado dadka soo geliya magaalada, si looga baaro xanuunka COVID-19. Taliyaha ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaas, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado in ay faafisay wararkaas been-abuurka ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo beeniyay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites