Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Gobolka Bari oo beeniyay warar laga faafiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Daan.jpg?resize=1000%2C671&ssl=1

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in kantaroolka Boosaaso lacago lagaga qaado dadka ka imaanay magaalooyinka kale.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas la xiriira in kantaroolka Boosaaso lacag lagaga qaado dadka soo geliya magaalada, si looga baaro xanuunka COVID-19.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaas, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado in ay faafisay wararkaas been-abuurka ah.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Gobolka Bari oo beeniyay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this