Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida hubka Mareykanka u Galay Gacanta Taalibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida hubka Mareykanka u Galay Gacanta Taalibaan

.

Qabshada Taliban ee Afgaanistaan waxaa u dheer inay kayd hub ah ka heshay Mareyka, Sida laga soo xigtay wargayska ‘Hindustan Times’ ee ka soo baxa Ingiriiska, Aqalka Cad ayaa Talaadadii qirtay in Taalibaan ay la wareegeen hub badan oo uu Maraykanka lahaa ka dib qabsashadii Afghanistan.

Qaar ka mid ah sawirrada iyo muuqaalada soo ifbaxay, ayaa lagu arkay Taliban oo wadata hub iyo gaadiid dagaal oo askarta Mareykanka adeegsanayeen ama la siiyay ciidamada amniga ee Afghanistan.

Waxaana hubkaasi ka mid ah helicopter-ka casriga ah ee UH-60 Black Hawk iyo qalab kale oo yaalla garoonka diyaaradaha ee Kandahar.

La -taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa yiri, “Wali ma cadda halka ay ku baxeen dhammaan agabkii milateri laakiin waxaa hubaal ah in qeyb weyn oo ka mid ah hubkaasi ay gacanta u galeen Taalibaan.”

Jake Sullivan ayaa sheegay in hubka militariga oo malaayiin doollar ku fadhiya looga tago cadowga ay muujineyso sida ay u adag tahay in Madaxweynaha Mareykanka uu soo afjaro dagaalka 20-ka sano socday.

Wuxuu u sheegay in diyaaradaha Black Hawks la siiyay dowladda Afghanistan si ay ula dagaallanto Taliban. Laakiin ciidamada ammaanka ee dawladda ayaa si degdeg ah u qiray guul -darrada ay kala kulmeen gulufka Taalibaan waxayna gacanta u geliyeen hub badan iyo helikobtarro.

Biden

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa qirtay in guusha degdegga ah ee ay Taalibaan gaartay ay “aad u dhibsan doonaan” dad badan oo Mareykan ah oo xiriir la leh Afghanistan.

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambeysay tallaabadii uu Mareykanka ku galay Afghanistan ay “waligeedba ahayd sidii looga hortagi lahaa weerarrada argagixisada ee ku wajahnaa dalka Mareykanka,” iyo “in aan marna loogu talo galin in ay qeyb ka noqoto howl la xiriirta sameynta dimuraaddiyad mideysan oo ka hirgasha dalkaas”.

Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii.

Inta ay gaarsiisan yihiin ciidamada Maraykanka uu u diray Afghanistan?

Maraykanka wuxuu ku duulay Afghanistan bishii Oktoobar 2001 si meesha uu uga saaro ururka Taliban oo gabbaad siinayay hoggaamiyihii Al-Qaacidda Usama Bin Laden iyo hoggaamiyeyaal kale oo lala xiriiriyay weerarkii 9/11.

Tirada ciidamada Maraykanka ayaa korortay sanadihii xigtay, iyadoo ay xukuumadda Washington balaayiin dollar ku bixisay la dagaallanka Taliban, waxaana ay tiradooda gaartay 110,000 oo askari sanadkii 2011.

Sanadkii lasoo dhaafay, 4,000 oo ciidamo ah ayaa Mareykanka kaga sugnaa dalkaas.

Dalal kale oo ay kamid yihiin kuwa xubnaha ka ah NATO ayaa ka qeyb qaatay duulaanka Afghanistan.

Balse Maraykanka ayaa ahaa kan ciidamada ugu badan ay ka joogeen Afghanistan.

NATO ayaa bishii Disembar 2014 si rasmi ah u soo afjartay hawlgalkeeda, balse waxaa dalkaas ka sii joogay 13,000 oo askari oo inta badan tababar siiya ciidamada Afghanistan, qeybna ka qaata hawlaha argagixiso la dagaallanka.

Maraykanka waxaa sidoo kale Afghanistan ka joogay tiro kamid ah shirkado qandaraas lagu siiyay arrimaha amniga. Dabayaaqadiii sanadkii 2020 in ka badan 7,800 qof oo Amerikaan ah ayaa ku sugnaa dalkaas, sida lagu xusay daraasad uu sameeyay Koongareeska.

Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban
Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban

Dhanka Ruushka ayaanan ilaa haatan caddeyn mowqifkiiska ku aadan in ay ururkan u aqoonsanayaan dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo in kale.

Hase yeeshee bayaan uu toddobaadkan soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu shaaciyay in Ruushka uu wada-hadallo la bilaabay Taalibaan, oo ay sheegeen in ay “bilaabeen in ay soo celiyaan kala dambayntii” Kabul iyo qaybaha kale ee dalka.

Iyadoo Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul, ciidamada Mareykanka ee taageerayay Ashraf Ghani ay baxayaan, wuxuu Ruushka caddeeyay in uusan soo afjari donin howlahooda diblomaasiyadeed ee dalkaas.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray.

Diblumaasiyad ahaan, Ruushka ayaa taageeraya Taalibaan, waxayna Ruushka sheegeen in ay diyaar u yihiin kulan ka dhaca Moscow oo ay ka qaybgalayaan Taalibaan, iyo dhinacyada kale, si loo siiyo ururkan aqoonsi caalami ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Taalibaan ay hub ka hesho Ruushka, inkasta oo Ruushku marar badan uu beeniyay inay hubeeyeen dagaalyahannada kooxda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this